4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Saddex askari oo ku dhaawacantay shaqaaqo ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacantay shaqaaqo maanta ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kaddib markii qaar kamid ah maxaabiista ay dhagaxaan ku weerareen ilaalada xabsiga.

Muddo kooban waxaa xabsiga ka socotay rasaas ay fureen ciidanka ilaalada xabsiga, taas oo keentay in dowladdu ay ciidan badan usoo daabusho xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, Axmed Yuusuf Cawaale Libaax, ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in maxaabiista ay qoryaha ka qaateen ciidanka, isagoona hoosta ka xariiiqay in ay dacwo u qabaan dadkii baahiyay wararkaasi, inkasta oo uusan cidna carabaabin.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha gaaray maxaabiista, balse taliyaha ayaa sheegay in aanu jirin wax dhaawac ah oo gaaray maxaabiista.

“Askarta wey awooday in ay iska celiso qofkii dhagax qaataba. Laakiin waxaa ay u dhaqmeen sidii ugu wanaagsaneyd oo nin askari ah oo haya maxbuus uu u dhaqmi lahaa. Dhagaxaantii ay tuurayeen maxaabiista ayey ku dhaawacmeen askarta”, ayuu raaciyay taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, Axmed Yuusuf Cawaale Libaax.

Xaaladda xabsiga magaalada ayaa hadda degan, waxaana dowaldda ay kordhisay tirada ciidanka ilaalada xabsiga, oo ah kan ugu weyn xabsiyada ku yaalla guud ahaan Somaliland.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]