4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka oo lagu wargaliyay inay berrito isku diyaariyaan dhaarintooda
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay inay berrito iska xaadiriyaan teendhada Afisyooni, halkaas oo loo ballansan yahay inay ka dhacdo xafladda dhaarinta barlamaanka cusub ee 11-aad.

Qoraal kasoo baxay xoghayayaasha labada aqal ee barlamaanka, ayaa lagu sheegay in Xildhibaannada haysta shahaadada Guddiga FEIT balse aanan wali qaadanin kaarka aqoonsiga Xildhibaannimo, ay horey u soo qaadanayaan shahaadada Guddiga FEIT.

Xildhibaannada ayaa loo sheegay inaysan gaadiidkooda tegi karin xarunta dhaarinta. Waxaa kaloo laga reebayaa ilaaladooda gaarka ah, iyadoo loo diyaariyay basaskii gayn lahaa xarunta ciidamada Cirka ee Afasiyooni.

Dhinaca kale, Guddiga doorashada heer federal ayaa wada dadaalo maamulka Koonfur Galbeed loogu qancinayo in xildhibaannadooda berrito qeyb ka ahaadaan dhaarinta barlamaanka labada aqal.

Waxaa isla caawa la filayaa inuu soo baxo warsaxaafaddeed arrintaas ku saabsan, iyadoo magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin guddiga doorashada oo kulamo laleh maamulka Koonfur Galbeed. Lama oga weli waxa kasoo baxay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online