4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo xilka isaga tagaya
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa lagu soo waramayaa inuu xilka ka tagayo iyadoo gobolka ay hareeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo kuwo bini’aadantinimo.

David Satterfield ayaa xilka iska casilaya saddex bilood uun ka dib magacaabistiisa, sida laga soo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo la hadlay majaladda Foreign Policy.

Satterfield waxa uu beddelay dublamaasiga Maraykanka ee ruug-caddagaa ah, Jeffrey Feltman, oo ahaa ergeygii gaarka ahaa ee Geeska Afrika wax ka yar sannad oo uu shaqada ku jiray.

Foreign Policy ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa diiday inay  xaqiijiso sababta uu Satterfield xilka uga tagayo.

Satterfield ayaa waday heshiis lagu dhex dhexaadinayay dowladda Itoobiya iyo jamhadda TPLF, si loo soo afjaro colaadda waqooyiga Ethiopia oo soo billaabatay dabayaaqadii 2020-kii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online