4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Baydhabo u tagay xal u helista tabashada Koonfur Galbeed
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf, waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Socdaalka magaalada Baydhabo ay goordhaw ku tageen guddoomiyaha guddiga FEIT iyo wafdigiisa ayaa ujeedkiisu yahay sidii xal ugu heli lahayeen tabashada maamulka Koonfur Galbeed ay ka qabaan howlaha doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay kulamo la qaataan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isugu yeeray iney dib Baydhabo ugu soo laabtaan Xildhibaanada matala Koonfur Galbeed, kadib markii uu ka biyo diiday go'aankii kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee ahaa in dib loogu noqonayo doorashada sadax kursi oo ka mid ahaa kuraastii lagu doortay deeganada Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa lagu filayaa inuu dadaal badan gelin doona sidii Koonfur Galbeed u fasixi laheyd Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay deegaanada maamulkaas si ay u qaatan shahaadada Xildhibaanimo, ayna uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta oo berito ah ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Baydhabo waxaa ku sugan haatan Ilaa 73 Xildhibaan oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo aan wali qaadan shahaadada Xildhibaanimo, iyagoo ka soo horjeeda in dib loogu noqdo doorashada saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo dhowaan guddiga doorashada FEIT uu waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijadooda doorashadoda, iyagoona go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada sadaxda kursi.

Dadaalka guddiga doorashada uu haatan ugu jiro sidii xal ugu heli lahayeen tabashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha maamulka Galmudug uu Baydhabo u tagay dhawaan sidii xal uu ugu heli lahaa tabashada Koonfur Galbeed, walow wali aysan u suurta galin in madaxweyne Qoorqoor uu ku guuleysto dadaalkiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online