4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay fiidkii hore ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa lagu weeraray hoyga uu ka sagan yahay xaafada Siinaay ee magaalada Kismaayo mid ka mid ah madaxda sare ee maamulka dekada magaalada Kismaayo.

Afhayeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Jaamac Joofane ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo ka mid ahaa qoyska masuulka qaraxa lagu weeraray oo kala ahaa Xaaska Masuulka la waararay oo xaamilo aheyd iyo wiil uu dhalay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa wiil kale oo isla qoyska ah.

Waxuu intaasi ku daray Afhayeen Jaamac in ciidamada ay wadaan howlgalo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayo, isagoona sheegay inay kusoo qabteen howlgalkooda in ka badan 20 Ruux iyo waxyaabaha qaraxa, islamarkaana howlgalada ay sii socon doonaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online