4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Guddiga doorashada Hirshabeeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Hirshabeelle ayaa jadwal cusub kasoo saaray doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Labada kursi ee jadwalka cusub ee waqti doorashadoodu dhaceyso ay shaaciyeen guddiga ayaa kala ah HOP 106, HOP024, waxaana labadaan kursi doorashadoodu iney dhacdo ay aheyd sidii horay ay u shaaciyeen guddiga Sabtigii ina soo dhaafay, hayeeshee waxaa la sheegay iney dib ugu dhaceen isqabqabsi ka dhex jiray beelaha iska leh labadasi kursi.

Jadwalka cusub ee guddiga doorashada Hirshabeelle ay shaaciyeen ayay ku sheegeen in diiwaan Musharaxiinta ay bilaabaneyso Maanta oo taariiqdu tahay 13-bisha April, islamarkaana doorashada ay dhaceyso berito oo Khamiis ah taariiqduna tahay 14-April-2022.

Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul goboleed ee wali aanan dhameystirin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana berito oo Khamiis ah lagu wada in la dhaariyo Xildhibaanadda cusub ee dhawaan lagu soo doortay deegaanada dowlad goboleedyada dalka, sida guddiga doorashada heer Fedaraal ay shaaciyeen.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online