4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 13, 2022
Guddiga doorashada heer federal oo saaka Baydhabo u diraya xubno xal kasoo gaara tabashada Koonfur Galbeed
 

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddigooda u diraya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in xubnahan oo saakay u safraya magaalada Baydhabo, ay halkaas u tegayaan si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa hakisay wada shaqayntii kala dhaxaysa xafiiska raysal wasaaraha, kadib markii ay ku eedeeyeen raysal wasaaraha inuu dagaal siyaasadeed uu kusoo qaaday maamulkooda, islamarkaana ay sheegeen inuu masuul ka yahay kuraasta la hakiyay.

Socdaalka xubnaha guddiga doorashada, ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalinta berri ah oo ku beegan 14 ka bisha abril ay tahay waqtiga loo asteeyay dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka.

200 oo xildhibaan ayaa illaa iyo haatan qaatay shahaadada xildhibaanimo.  Balse Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ah kuwa ugu badan ee barlamaanka ayaa diiday inay shahaado qaataan.

Waxay ka gadoodsan yihiin 3 xildhibaan oo Baydhabo lagu doortay oo guddiga doorashada uu sheegay in kuraastooda lagu celinayo, kadib markii uu sheegay guddigu in doorashadooda cabasha laga keenay.

Haatan, waxaa Baydhabo ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha  Galmudug, Axmed Qoorqoor, waxayna halkaas u tageen in xal laga gaaro tabashada maamulka Koonfur Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online