4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2022
Booliska Ingiriiska oo markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi talaabo sharci ka qaaday raysalwasaaraha UK Boris Johnson

Arbaco, April, 13, 2022 (HOL) - Booliiska Ingriiska ee Metropolitan Police ayaa ganaaxay raysalwasaaraha UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa maaliyadda Rishi Sunak kadib markii ay jabiyeen shuruucdii xanibaada ay isla dowladdiisa soo rogtay xanuunka COVID-19 awgiis.  Xafladaha lagu eedeeyay inay ka qeybgaleen raysalwasaaraha iyo Wasiirkiisa maaliyadda ayaa la qabtay xilligii ay jirtay xayiraada COVID-19 kuwaas oo la sheegay inay ka dhaceen xarumaha looga arrimiyo dowladda UK ee loo yaqaano Number 10 Downing Street iyo Whitehall sannadihii 2020-kii iyo 2021.

Intii ay jirtay xanibaada COVID-19, muwadiniinteeda UK looma ogoleyn inay ka baxaan guryahooda ama iney isbooqdaan, marka kale laga reebo iney soo dukaameysan karaan.

Sida ay qortay warbaahinta UK, Boris Johnson ayaa noqonaya rasulwasaarihii ugu horeeyay UK oo isagoo wali xilka haya lagu helo xadgudub dhanka sharciga ah isla markaasna la ganaaxo. Ma jiro hogaamiye ka soo taliyey wadanka Ingiriiska oo taariikhda lagu helay inay jabiyeen isla sharcigii ay sameyeen. 

Boris Johnson ayaa qirtay in uu "ku dhacay" fullinta shuruucdii uu isaga iyo dowladiisu ay ku amreen muwaadiniinta UK inay u hogaansamaan, isagoo caddeeyay inuu aqbalay go’aanka booliiska ay ku ganaxeen isaga iyo tiro kale oo ka tirsan dowladiisa. 

Raysalwasaaraha UK ayaa marar badan iska diiday inuu ka qeybgalay wax xafladdo ah xilligii ay ay jireen xayiraadda COVID-19. Waxaa suurtagal ah in ganaaxyo kale ay booliiska ku soo rogaan, madaama ay jiraan xafladdo kale oo ay suurtagal tahay inuu raysalwasaaruhu ka qeybgalay xilligii ay sharci darro ahayd in la qabto isku imaatin nuucaas oo kale ah ayay yiraahdeen siyasiinta UK oo dhacdadan ka hadlay. Dadka la ganaaxay waxaa sidoo kale ka mid ah xaaska raysalwasaraaha Ingiriiska Carrie Johnson. 

Xisbiyada mucaaradka ayaa isla markiiba dareenkooda ka muujiyey ganaaxa ay booliiska UK ku rideen raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ku cambareeyay inuu marin habaabiyey shacabka oo uu ku soo rogay shuruuc aanay dowladiisa iyo isaguba ku dhaqmin. 

Urur ay ku mideysanyihiin ehelada dadkii u geeriyooday cudurka COVID-19 ayaa sheegay in aysan jirin sabab uu raysalwasaaraha ama wasiirkiisa maaliyada ay shaqadooda ugu sii wadan karaan iyagoo ku tilmaamay ficilladooda "kuwo aan xishood lahayn".

Xubnaha Barlamaanka UK oo hadda fasax ku maqan ayay xisbiyada mucaaradku ku baaqeen in si degdeg ah fasaxa uga soo noqdaan si ayay yiraahdeen xildhibaanadu su’aalo u weydiiyaan raysalwasaare Boris Johnson, iyagoo ugu baaqeen inuu si degdeg ah isku casilo.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha, Keir Starmer ayaa sidoo kale si adag ugu soo jeediyay xubnaha la ganaaxay ee raysalwasaaraha iyo wasiirka maaliyadu ka midyihiin inay xilka baneyaan. 

Ma cada in ganaaxa la duldhigay raysalwasaaraha UK iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, gaar ahaan wasiirkiisa maaliyadda ay horseedi doonto inay iscasilaan iyo in kale, balse waxaa muuqata culeyska uu ganaaxa booliiska durbadiiba saaray mustaqbalkooda siyaasadeed.  

Hiiraan online news desk