4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in laga sal gaaray sababtii loo xiray terminaalka Movecon

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) - Xukuumada Soomaaliya ayaa fasaxday in dib loo furo terminaalka Movecon ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isticmalaan diblumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan dalka.

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in loo fasaxay terminaalka Movecon, kadib markii ay tixgaliyeen adeegyada muhiimka ah ee laga fuliyo.

Wasiirka amniga waxa uu sheegay in laga sal gaaray arrimihii  loo xiray teminalka Movecon, wuxuuna ku wargaliyay hay’addaha amniga ee dowladda in terminalka la furay.

Sagaalkii bishaan ayay ahayd markii amar kasoo baxay wasiirka amniga lagu xiray terminaalka, iyadoo loo sababeeyay in aanu kasoo degin wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira oo raysal wasaaruhu dhawaan dalka ka eryay.

Dhinaca kale, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka  Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa soo dhoweysay in dib loo fasaxay terminaalka Movecon. Waxay sheegtay in loo isticmaalayo arrimaha gargaarka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online