4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda xuska Maalinta Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April
 

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) -  Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kaga qayb galay Munaasabadda xuska sannad guurada 62-aad ee aas aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen dhoolatus ay ku muujinayeen cududda iyo tayada ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u dhis balaaran lagu sameeyey ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka jeediyay khudbad uu ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Munaasabadda 12-ka Abriil waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaannu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka” ayuu yiri madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka warbixiyey dadaaladii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u dhiska ciidanka Xoogga, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaalada dib u dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

Gabagabadii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca xuduudaha dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan xuska Maalinta aas aaska ciidanka Xoogga dalka ee 12-April ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiya Golaha Shacabka Barlamaanka-kii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raysal Wasaarihii Hore Cali Maxamed Geeddi, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada, Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online