4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay Munaasabadda Maalinta Aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka
 

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) -  Taliyaha ciidanka Xooggga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlaayay munaasabadda aas aaska Maalinta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamaan ciidanka Xoogga iyo xaasaskooda.

Taliye Odawaa Yuusuf oo khudbad ka jeedinaayay Munaasabadda ayaa u mahad celiyay dhamaan kasoo qeybgalayaasha xaflada Maalinta 12-ka April oo uu ugu horeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiintii kale ee ku sugneyd munaasabadda.

Waxuu intaasi ku daray Taliyaha Ciidamada xoogga dalka in haatan ciidamada ay ku sameyeen dib u habeyn balaaran ayna jiraan dowladdo gacan weyn ka geystay dib u habeynta iyo tayada ciidanka Xoogga dalka, isagoona uga mahadceliyay dowladaha ka qeyb qaatay dib u tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

"Ciidanka Xoogga dalka marba heer ayuu soo maray, Maanta waxuu jooga heerkii ugu wanaagsana faraxada maalinkaan ayaan la qeybsanaya dhamaan qeybaha kala duwan es ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xaasaskooda, waxaana sidoo kale tacsi u diraya dhamaan ciidankii inooga dhintay dagaalada argagixisada noocyadeda kala duwan aan la galnay, anagana wali waxaa diyaar u nahay dhameystirka shaqadii ay ka geeriyoodeen ciidankeenii" ayuu yiri Taliye Odawaa Yuusuf Raage.

Gabagabdii Taliye Odawaa Yuusuf ayaa ka hadlay xaaladda Amni ee dalka iyo howlgalada kala duwan oo ay fulinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo ka dhan ah la dagaalanka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta guud ahaan gobolada dalka Soomaaliyeed, isagoona sheegay iney ciidanka u diyaar yihiin ka hortaga qatar walba oo dalka kusoo fool leh.

Maanta oo kale 12-ka April ayaa ah Maalin ay si weyn u xusaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana munaaaabado lagu weyneynaayo Maalinta aas aaska ciidanka xoogga dalka oo Maanta ku beegan lagu qabto magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah magaalooyinka gobolada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online