4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo war rasmi ah kasoo saaray waqtiga la dhaarinaayo Xildhibaanadda labada Aqal
 

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) -  Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT ayaa goordhaw shaaciyay in dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo iney qabsoomi doonto 14-ka bishaan oo ku beegan Maalinta Khamiista ee fooda inagu soo hayso.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa lagu sheegay in la ogeeysiinayo dhamaan Xildhibaannada shahaadada qaatay in Maalinta Kahmiista ah ee soo socota inay yimaadaan Teendhada Afisiyooni si loo dhaariyo.

Guddiga ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee labada Aqal ee aan weli qaadan shahaadada iyo kaararka aqoonsiga Xildhibaanimo inay qaataan ka hor 14-bishaan oo ay inaga xigto maalinta berito oo kaliya, si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta.

Shaacinta munaaaabadda lagu dhaarinaayo Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaaka Soomaaliya kuwooda shahaadada qaatay ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay guddiga doorashooyinka Heer Federaal wadeen Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal.

Waaxaa xusid mudan in weli aysan shahaadada qaadan Xildhibaanadda laga soo daarto Koonfur Galbeed, marka laga reebo Saddex Xildhibaan kaliya, waxaana arintaasi ay salka ku haysa oo ay ka gadoodsan yuhiin Xildhibaanadda Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen sadex Kursi oo guddiga doorashooyinka ay hakiyeen, isla markaana ay sheegeen in lagu laabanayo doorashadooda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online