4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu dilay xildhibaan katirsanaa barlamaanka Ingiriiska

Talaado, April, 12, 2022 (HOL) - Cali Harbi Cali, oo ah Soomaali 26 jir ah, ayaa la sheegay in lagu helay dambiga ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaan jiray baarlamaanka Ingiriiska iyo inuu diyaariyay falal argagixiso.

Xildhibaan David Amess ayaa mindi lagu dilay intii ku sugnaa kulan ka socday deegaanka lagasoo doorto Leigh-on-Sea, Essex, bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Maxkamadda dambigaan kusoo oogtay ayaa sheegtay in Cali Xarbi oo sanado badan ku qaatay qorsheynta weeraro ka dhan ah sharci-dajiyayaasha, uu sheegay inuu u dilay kadib markii uu ka carooday duqeymaha cirka ee reer Galbeedku ka wadaan gudaha Suuriya.

Ka dib 18 daqiiqo oo dood ah, Cali Xarbi ayaa ka horyimid xukunka lagu riday, isagoo diiday inuu istaago markii ay go’aannada la isku raacsan yahay laga soo saaray eedayntiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online