Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 12, 2022
QM oo ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka doorashada Soomaaliya
Talaado
, April, 12, 2022 (HOL) -
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay sida ay Soomaaliya uga garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaaraha dalka ka jira.
Antonio Gutters ayaa sheegay inay taageersan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS uuna rajeynayo in Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan u sugto ulana wareegto ammaankeeda dalkeeda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka wada hadlay hanaanka doorashada Soomaaliya. Waxaana la isla qaatay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.
Wadahadalka xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli doorashada Soomaaliya ay ka bixi la'dahay khilaaf joogto ah oo sabab u ah is haynta madaxda ugu sarraysa dalka, kuwaas oo u kala qeybsamay muxaafid iyo mucaarad isku haysta doorashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]