4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo hambalyo iyo digniin isla socota u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo qoraal dhinacyo badan taabanaya soo saaray ayaa ugu horeyn waxay hambalyo u direen xuska sanad guurada 62-aad ee kasoo wareegatay aas aasaka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay Golaha Musharaxiinta ayaa sidoo kale loogu baaaay ciidanka Xoogga dalka inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano siyaasadeedka gaarka ah ee uu doonayo madaxweynaha mudo xileddkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu Ciidanka Xoogga Dalka ugu Hambalyeynayaa munaasabadda aasaaskooda oo ku beegan 12-ka April. Goluhu wuxuu caddeynayaa in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay Ummadda Soomaaliyeed u dabaaldegto”

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in qarashka faraha badan ee ku baxaayo dabaaldega Maalinta ciidanka in loo weeciyo taakuleynta dadka tabaaleysan ee la daalaa dhacayo afur la'aanta ka haysato bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Qoraalkaan kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordheysay cabsi galin ku aadan Afgambi uu qorsheenayo Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo la damacsanyahay in lagu soo beego dabaal dega Maalinta 12-April oo ku beegan markii la aas aasay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online