4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Jigjiga: Dowladda oo ka fal celisay warqad kasoo baxday Shirkadda Korontada Itoobiya laanteeda degaanka Soomaalida
 

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida ayaa ku gacan seertay Warqad kasoo baxay Shirkadda Korontada Itoobiya laanteeda dowlad degaanka oo lagu sheegay in shaqaalaha Shirkaddan markay goobta shaqada imaanayaan aysan kusoo labisan karin dharka Duruucda ama Shiidka ah.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdiqadir Rashiid oo kamid ahaa dadkii u horreeyay ee dhanka xukuumadda ee ka falceliyay Warqaddan ayaa yiri " Warqadaas ka soo baxday Xafiiska Korontada ee laanta Jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka Soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay, Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray, ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay".

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaan marnaba gorgortan laga galayn gafkan ay ku kacday Shirkadda Korontadu, isla markaana xukuumaddu ay arrintan ka qaadanayso tallaabada ku haboon

Dalka Itoobiya ayaa dastuurkiisu waxa uu degaannada u fasaxayaa inay iskood isku maamulaan, degaan walbana uu isagu dhaqankiisa koriyo, oo aan dhaqan kale lagu qasbi karin, iyadoo arrintana ay noqonayso mid lid ku ah dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]