4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Ururada mucaaradka Puntland oo guulo ka gaaray doorashooyinka ka dhacay Qardho

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Ururada mucaaradka Puntland ayaa guulo kasoo hooyay doorashooyinka guddoomiyayaasha labo degmo oo katirsan Puntland, iyadoo arrintaan ay guul darro weyn u tahay madaxweyne Deni iyo ururkiisa muxaafidka ah ee Kaah.

Doorasho maanta laga qabtay degmada Qardho ee gobolka Karkaar  ayaa waxaa duqii degmadaas loo doortay Cabdi Siciid Qaal oo katirsan urur siyaasadeed Mideeye.

Guddoomiye Cabdi Siciid Qaal ayaa helay 20 c0d, wuxuuna todobo cod ka sarreeyay musharaxa la tartamayay Maxamed Faarax Buraale oo ka socday urur siyaasadeedka Kaah.

Guddoomiye ku xigeenka Qardho ayaa sidoo kale loo doortay Maxamed Xayaf Siciid oo katirsan urur siyaasadeed SINCAD.

Labada urur oo sameystay isbahaysi siyaasadeed ayaa isugu shubay codadka doorashada, si ay meesha uga saaraan ururka Kaah oo isagu haysta kuraasta ugu badan xildhibaannada.

Lixdii bishaan doorasho ka dhacday degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa xilkii guddoomiyaha degmadaas waxaa ku guulaystay musharrax ka socday urur siyaasadeedka SINCAD, halka ku xigeenkana loo doortay urur siyaasadeedka Mideeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online