5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo ka socda degmada Diinsoor ee gobolka Baay
 

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dagaalamyaasha Al-shabaab iyo kuwa Militariga Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaal ayaa la sheegay inuu ku bilaawday weerar madaafiic ah oo ay Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor, dabadeedna uu qarxay dagaal toos ah oo u dhaxeeya labada dhinac, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku dhaqan degmada Diinsoor.

Dagaal ayaa lasoo warinayaa inuu yahay mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud intaba, waxaana lasoo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, walow aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Dadka degmada Diinsoor ayaa soo food saartay cabsi xoogan oo la xariirta inuu dagaalka ku faafo gudaha xaafadaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay, maalin ka hor ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar madaafiic ah ku qadaeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online