4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Howlgalka ATMIS oo iska fogeeyay inay carqaladaynayaan dhaarinta xildhibaannada barlamaanka cusub
 

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta xiritaanka xerada Xalane iyo bandowga lagusoo rogay.

Howlgalka ATMIS, ayaa sheegay in tallaabadan looga hortago isku dayga mar labaad ay kooxda Alshabaab ku doonayso in ay ku weerarto Xerada Xalane, iyadoo ka faaidaysanaysa xilliyada Ramadaanka ama ciidaha.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay inaan sinnaba loogu talagelin tallaabadan in lagu carqaladeeyo, laguna qasbo in dib loo dhigo, ama lagu farageliyo habsami u socodka xafladda dhaarinta Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ama hawlo kale oo doorasho ah.

Waxay sheegeen ujeedada kaliya ee laga leeyahay inay tahay in la fududeeyo howlgallada loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in Xerada Saldhiggu ay ahaato meel ammaan ah, inta lagu guda jiro xilligaan xasaasiga ah ee doorashada, oo ay ku jiraan dhaarinta, dabbaaldegga maalinta Ciidanka Xoogga dalka iyo bisha Ramadaan.

ATMIS waxa ay sheegtay inay si wada jir ah ula shaqeyneyso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) si loo xaqiijiyo in dhameystirka hannaanka doorashada lagu gaaro jawi wanaagsan oo ka caaggan rabshado.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online