4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 11, 2022
Labo sarkaal oo katirsan Alshabaab oo isku dhiibay ciiddanka dowladda ee gobolka Gedo

Isniin, April, 11, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd sheegay in ay isku soo dhiibeen labo xubnood oo muhiim u ahaa oo katirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Tawane iyo Deeq Ibraahim oo la sheegay inay ahaayeen raggii isku soo dubaridi jiray weerarada gobolka Gedo ayaa hubkooda ku wareejiyay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Luuq.

Iskusoo dhiibidooda ayaa ka dambeysay, kadib markii ciiddanka dowladda ay xoojiyeen howlgallada amni ee lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciiddanka ee gobolka Gedo.

Saraakiil dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku soo dhiibayay ciidamada dowladda, xilli howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online