4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Khilaaf xooggan oo ka taagan safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma ee Talyaaniga

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Khilaaf xooggan iyo buuq ayaa ka taagan safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaddib markii wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ay u yeertay safiirka safaarada Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Wasaarada ayaa sidoo kale magacawday ku sime cusub oo wada shaqadda, balse safiirka ayaa ka horyimid go’aanka wasaarada, isagoona ku dooday in ku simaha cusub ee lasoo magacaabayo uu noqdo qof ka shaqeynayay safaarada.

“Mar kasta oo aan aado fasax waxaa shaqadda safaarada sii maamuli jiray ku sime ka shaqeeya safaarada, haddana haddii lasoo magacaabayo ku sime cusub waa in uu noqdaa qof ka shaqeynayay safaarada”, ayaa laga soo xigtay Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Ku simaha cusub oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur iyo labo xubnood oo la socday ayaa galay dhismaha safaarada, kaddibna waxaa ay diideen in safiirka iyo xubno kamid ah shaqaallaha ay soo galaan dhismaha safaarada.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in saddexda xubnood ay ku dhex jiraan gudaha safaarada, balse Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa rajeynaya maalinta talaadada ah in uu ugu yeero ciidanka dowladda Talyaani si ay usoo fara-geliyaan arinta.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Iise loogu yeeray wadatashi, halka wasaarada ay ka codsatay dhigeeda dalka Talyaani in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ah ku simaha cusub loo fududeeyo wax kasta oo uu u baahanyahay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee safaraada Soomaalidda ee magaalada Rome.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]