4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo Maanta Booqday goobta lagu dhaarin doono Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya
 

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddigiisa ayaa Maanta kormeer ku tagay goobta lagu wado in 14-ka bishaan ay ka dhacdo dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo ah teendhada xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Muuse oo warbaahinta kula hadlay gudaha teendhada Afisyooni ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Waxuu ugu baaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka xildhibaannada dooran ee aan wali shahaaddada qaadan in ay dhaqso isu diiwaan galiyaan oo ay u qaataan shahaaddada, islamarkaana kuwa shahaadada qaatay ay usii diyaar garoobaan dhaarinta.

"Waxaan galabta booqanay oo aan joogna goobtii loo qorsheeyay in lagu dhaariyo Xildhibaanadda dooran ee labada Aqal aniga iyo xubno kale oo guddiga ah iyo xoghayaasha labada gole, maadama 14-ka bishaan ay tahay maalinta loo asteeyay dhaarinta Xildhibaanada cusub, si dalka uu u yeesho hay'addaha sharci dajinta, waxaana u sheegaya shacabka Soomaaliyeed wax walba oo cabasha jirta ah waa la dhameystiraya, dhaarintana waqtigeeda ayay dhici doonta oo ah 14-ka bishaan" ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyin Muuse Geelle ayaa imaanaya xili shahaadada Xildhibaanimo ay qaateen 200 oo Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal, islamarkaana wali aysan qaadan shahaadada Xildhibaanimo mudanayaasha laga soo doortay maamulka Koofur Galbeed, marka laga reebo ilaa sadax mudane oo kaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online