4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay tirada rasmiga ah ee Xildhibaanadda qaatay shahaadada Xildhibaanimo
 

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa wali ka wada xaruntooda magaalada Muqdisho bixinta shahaado siinta Xildhibaanadda cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa Maanta shahaadada Xildhibaanimo siisay ilaa 5 Xildhibaan oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana tirada 5-ta Xildhibaan ee Maanta shahaadada la siiyay ay ka dhigtay tirada guud ee Xildhibaanadda shahaadada qaatay 200 oo Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal.

"Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska guddiga doorashooyin heer Fedaraal ee FEIT.

Iyadoo ay socoto shahaado siinta Xildhibaanadda cusub ayaa hadana waxaa jirta in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaanan wali si rasmi ah u qaadan shahaadada Xildhibaanimo, marka laga reebo sadax Xildhibaan oo uu ka mid yahay Sheekh Aadan Madoobe oo shahaadada Xildhibaanimo qaateen, waxaana arrintaasi ay sii adkaaday markii madaxweynaha Koonfur Galbeed uu shaaciyay iney xiriirkii wada shaqeynta u jareen Xukuumadda Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online