4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Ra'iisul Wasaare Rooble oo lagu wado inuu Muqdisho kula kulmo danjirayaasha shisheeye

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kula kulmo danjirayaasha shisheeye, maalin kadib markii Midowga Afrika uu diiday ceyrintii uu ku sameeyay madaxa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Francisco Madeira.

Sida aan xogta ku helayno, Raysal Wasaare Rooble ayaa arrimaha uu kala hadlidoono safiiradda beesha caalamka, waxaa kamid ah arrmaha doorashada gaar ahaan dhaarinta Xildhibaanada iyo  Xiisadaha ka taagan magaalada Muqdisho.

Raysal wasaare Rooble ayaa horey u qaaday tallaabooyin looga hortagayo in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo hadda ku sugan Kenya uu kusoo laabto Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa raysal wasaare Rooble ku taageeray go’aanka uu ka qaatay danjire Madeira, waxayna midowga Afrika ugu baaqeen inay soo magacowdaan safiir cusub oo aan faraha la galin siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa aad u doonaysa in barlamaanka labadiisa aqal la dhaariyo 14-ka Abril, laakiin maqnaanshaha xildhibaannada koonfur Galbeed oo ka gadoodsan kuraas la hakiyay ayaa ah caqabada hortaagan dhaarinta barlamaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online