4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur "Farmaajo waa nin jeclaan lahaa hadii uusan sii joogi karin dalka inuu gacanta u geliyo Al-Shabaab"
 

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka shaqeynaayo sidii uu sifo sharci darro ah ugu sii joogi lahaa madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale  sheegay in sababta Farmaajo uu u difaacay ceyrintii wakiilka Midowga Afrika ee Danjire Madeira iney tahay sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika.

“Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Madaxtooyada Soomaaliya, waa nin jeclaan lahaa hadii uusan sii joogi karin in uu dalka u gacanta u geliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaa sidii uu isaga hor keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta dalka u jooga ee Midowga Afrika” ayuu yiri wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Waxaa uu intaasi ku daray wasiirka Amniga ineysan marnaba dhici doonin in Danjire Francisco Madeira uu dalka kasii shaqeeyo, iyadoo la iska indha tiraayo go'aankii Xukuumadda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in laga badbaadi doono qatarta kusoo wajahan dalka, hadii lagu guuleysto dhaarinta Xildhibaanadda cusub, hayeeshee hadii lagu guuleysto dhaarinta Baarlamaanka 11-aad ee dalka halista ay ahaan doonto mid sii jiri doonto.

“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo Xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteeyay oo ah 14ka Bishaan waxa aan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rejo weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hortago, dadkaan aan waxba ka duwaneen ismiidaamiyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Tan iyo markii uu Raysal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya aanan looga baahneen wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, islamarkaana Madaxtooyada Soomaaliya ay si cad u difaacday Danjiraha dalka laga eryay, waxaa sii kordhay xiisada ka dhalatay go'aanka lagu eryay Danjire Madeira.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online