4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Maanta qabanaya doorashada hal kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay ka qabsoonto doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadiisu tahay Jowhar.

Kursiga Maanta la filayo in doorashadiisa ay dhacdo ayaa ah HOP 140, kaasoo shalay galinkii dambe tartankiisa isku diiwaan geliyeen laba Musharax oo kala ah Cabdiqaadir Cosoble Cali oo horay ugu fadhiyay kursiga iyo Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa hore u shaaciyay qabadashada doorashada sadex kursi oo kala ah HOP 024, HOP 106, HOP 140, kuwaas oo qorshuhu ahaa in shalay lagu qabto dòorashadooda magaalada Jowhar, hayeeshee guddiga ayaa la sheegay iney awoodi kari waayeen in shalay doorashadada kuraastaas ay qabtaan, kadib markii buuq iyo gacan ka hadal sababi gaaray uu dhexmaray beelaha kuraastaasi iska leh.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle oo ku aadan sababaha keenay dib u dhaca dooraahada labada kursi ee kala ah HOP 024 iyo HOP 106, oo lasoo warinaayo in kuraastaasi uu ka taagan yahay isqabqabsi u dhaxeeya beelaha iska leh matalaada labadaasi kursi.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee wali aanan dhameystirin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online