4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Midowga Musharraixiinta oo ka horyimid go'aanka midowga Afrika uu ku diiday eryida Francisco Madeira
 

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa walaac weyn ka muujiyay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha midowga Afrika, kaasoo diiday go’aankii uu raysal wasaaruhu ku eryay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira.

Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in qodobka 97-aad ee dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in raysal wasaaruhu yahay madaxa ugu sarreeya xukuumada islamarkaasna aysan jirin cid meesha ka saari karta go’aannada kasoo baxa xafiiskiisa

Golaha musharraxiintu waxay midowga Afrika ugu baaqeen inay soo magacaabaan wakiil cusub oo sumcad leh islamarkaana horumarin kara xiriirka Soomaaliya iyo ururka midowga Afrika, dhex dhexaadna ka ah Soomaaliya siyaasadeeda arrimaha gudaha.

Ugu Dambayn midowga Musharraxiinta waxay sheegeen inay taageere buuxda u hayaan tallaabooyinka raysal wasaaruhu qaadayo ee kor loogu qaadayo sumcada, amniga iyo dhameystirka doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online