4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 10, 2022
Howlgalka ATMIS oo sheegay inay Muqdisho ka bilaabanayaan howlgallo amni
 

Axad, April, 10, 2022 (HOL) - Taliska ciiddanka nabad ilaalinta ee ATMIS ayaa sheegay inay Muqdisho ka sameyndoonaan howgal ballaaran muddada udhexeysa 10-ka oo Beri ah ilaa 16-ka Bishaan April.

War-saxaafaddeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in la joojin doono waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah, waxaa la xiri doonaa dhammaan nuuc kasta ganacsi oo Xalane ku dhexyaala xerada Xalane.

Lama oga ujeedada loo sameynayo howlgalkan, waxaase lala xiriirinayaa udiyaar garowga xuska 12ka abril oo ku beegan maalintii la aas aasay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciiddanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa ka wada shaqeynaya in ammaanka aad loo adkeeyo lana xiro meelo badan oo kamid ah caasimadda, si looga hortago wax kaste oo qalqal galin kara xuska 12ka abril.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada milatari ee ay dowladdu wado, waxayna sheegeen inay wax ku hoos qarsan yihiin xuska maalinta xoogga dlaka.

Waxay sheegeen in mdaxtooyada Sooomaaliya ay dano gaar ah uga faaidaysanayso xuska, sida in la baajiyo dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalada uu raysal wasaaruhu wado, sida ay sheegeen.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online