7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Suuqa Bacadlaha magaalada Hargaysa oo gubanaya
 

Jimco, April, 1, 2022 (HOL) - Dab aad u xoog badan ayaa qabsaday Suuqa Bacadlaha Hargaysa, waxaa shufbeelay meherado iskugu jira tukaamada dharka, tukaamada cuntada, khudaarta, waxaana uu dabku gaadhay saraha dhaadheer ee ka garab dhow suuqa gubanaya.

Ciidamada dabdamiska ayaa dagaal adag kula jira dabka, waxaana adkaatay in si dhibyar lagu bakhtiiyo, madaama oo uu suuqa dharka iyo khudaarta ee Hargaysa, aanu lahayn wadooyin fiican oo laga galo. Ciidanka dab damiska, ayaa la arkayaa iyaga oo korka ka saaran guryaha gubanaya si ay dabka u bakhtiiyaan.

Ganacsatadii lahaa meheradaha gubanaya, ayaa iyagu la arkayaa iyaga oo qof waliba wuxuu gacanta la gaadhay uu la cararayo, waxaana dadka qaxaya u badan dadkii meheradaha ku lahaa agagaarka suuqa gubanaya, oo ka cabsi qaba in uu dabku soo gaadho.

Ciidanka koofiyad casta ayaa iyagana lagu soo daadiyay suuqa iyaga oo ciidanka dab damiska ka caawinaya in ay u sameeyaan wadooyin ay maraan, waxayna is eryanayaan kumanaan shacab ah oo kusoo xoomay nawaaxiga suuqa gubanaya.

Wali lama oga khaasaraha dhabta ah ee uu dabku gaystay naf iyo maal, madama oo wali lagu jiro halgan ka lagu bakhtiinayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]