7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay berri tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa caawa si rasmi u shaacisay in maalinta Beri ay tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasaaradda awqaaftu waxay sheegtay in bisha Ramadaan laga arkay dheeganka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxayna wasaaradda soo bandhigtay dad xaqiijinaya in bisha la arkay.

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii lagu dhawaaqay bisha Ramadaan wuxuu hambalyo iyo duco ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale,  ururka Alshabaab ayaa dowladda kaga horreeyay shaacinta bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in bisha laga arkay deegaano koonfurta Soomaaliya oo ay iyagu maamulaan.

Si kastaba ha ahaatee, meelo kamid ah gudaha Soomaaliya ayaa laga sheegay inay berri Soon ahayn waxaana meelahaas kamid ah Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online