7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Soomaaliya oo ku howlan baaritaanka xogta bisha Ramadaan
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Soomaaliya weli lagama sheegin inay maalinta berrito tahay maalin Ramadaan, mana jirto illaa iyo hadda meel laga xaqiijiyay in laga arkay bishii Ramadaan, sida uu HOL xogtiisa ku xaqiijinayo.

Hase ahaatee, dunida islaamka, dalal uu Sacuudigu ugu horreeyo ayaa goor hore oo caawa ah ku dhawaaqay in la soomayo sabtida berri ah.

Dowladda federalka Soomaaliya weli waxay ku mashquulsan tahay xog la xiriirta in bisha la arkay, waxaana wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ay saacaddo ka hor bulshada ugu baaqday inay la wadaagaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan bisha Ramadaan.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inaysan berrito ahayn Ramadaan. Wasiirka caddaalada Puntland, Cawil Sheikh Xaamid ayaa warkaan goor dhowayd lagasoo xigtay.

Somaliland waxay dhankeeda shaacisay in maalinta berri ah aysan ahayn Ramadaan. waxay sheegtay in la dhameystirayo bisha Shacbaan.

Marka lagasoo tago arrimahan, qaar kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyay inay berrito tahay maalin Ramadaan.

Sheikh Maxamed Cabdi Ummal ayaa magaalada Nairobi kaga dhawaaqay hadalkaan, isagoo sheegay inay la soomayaan dunida islaamka, kadib markii dalka Sacuudigu uu shaaciyay inay berri Soon tahay.

Wixiii faahfaahin ah kula socda wararkeenna soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online