7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka digay in mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka bisha May 2022 uu halis ku jiro in la waayo

 

Jimco, April, 1, 2022 (HOL - Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa HOL u sheegay walaaca ay ka qabaan in dowladdu aysan awoodin bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabkasida bisha May 2022, iyagoo ku sababeeyay dib u dhacyada ku yimid doorashada iyo in aanay jirin dakhli ku filan bixinta musharaadka oo gudaha ka soo xarooday.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 85.9% miisaaniyaddeeda guud ku bixisa mushaaraadka, gunnooyinka iyo kharashaadka kale ee hawlgalka dowladda. Hase ahatee, waxaa yaraaday dakhliga soo gala dowladda oo aan u dhigmin qarashaadka ka baxa, sida ay mas’uuliyiintu HOL u sheegeen.

Ilahan xog-ogaalka ah ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee dawladdu uusan ku filnayn inuu daboolo qarashaadka ku baxaya mushaharka iyo gunnooyinka bisha May haddii aan la helin taageerada miisaaniyadeed ee beesha caalamka. Dalalka deeq bixiyayaasha ah ee Soomaaliya taageera ayaan bixin kabkii miisaaniyadda ee ay dowladda Soomaaliya siin jireen sababo la xiriira dib-u-dhacyada joogtada ah ee ku yimid geeddi-socodka doorashada oo aanay wali muuqan dhamaystirkeeda. Sidaas oo ay tahay, khubaradu waxay saadaaliyaan in Soomaaliya ay u baahantahay ku dhawaad $22-milyan oo dollar oo dheeraad ah si ay ugu bixiso kharashaadkeeda muhiimka u ah iyo baahiyaha maalinlaha ah.

Digniintan ayaa ka dhigan in Wasaaradda Maaliyadda ay ku adkaaneyso sii wadida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabkasida, talabadaas oo ka horimaaneysa shuruudaha ugu muhiimsanaa ee barnaamijyka deyn cafinta Soomaaliya oo dhigaya in aaney Soomaaliya geli karin deyn horleh.

Beesha caalamka, iyo hey’addaha dhaqaalaha adduunka sida IMF iyo World Bank ayaa dhawaanahan ka digayey in Soomaaliya ay lumin karto guulaha laga gaaray horumarinta maaliyadda iyo barnaamijka deyn cafinta haddii aan la dhamaystirin geeddi-socodka doorashada, islamarkaana aan si nabad ah loogu kala wareegin awoodda. Digniinadan isdabajooga ah ee ka imaanaya beesha caalamka ayaa ka dhigan in Soomaaliya aanay ka gaari karin buuxinta shuruudaha dib-u-eegista heshiiska dhaqaale ee ay la gashay hey’adda IMF oo ku beegan bisha 17, May 2022, xilligaas oo kelliya ay dowlad cusub oo sharciyad leh heshiis gali karto.

Haddii dowladdu ay awoodi weydo bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidamada amniga, taasi waxay abuuri kartaa caqabado hor leh, xilli sicir bararka iyo qiimaha nolosha ay sii kordhayaan, iyadoo shacabka u sii dheertahay inay la tacalayaan culeysyo amaan darro.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beileh ayaa wareysi uu dhowaan siiyay The African Report Magazine ku sheegay in haddii aanay soo dhamaan doorashadu ay khatar ku tahay dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Hiiraan Online news desk