7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Hargaysa: Gabadh xaamilo ah oo toorray lagu dilay
 

Jimco, April, 1, 2022 (HOL) - Hodan Muxumed Cabdi oo ahayd hooyo uur 7 bilood ah siday, ayuu saygeedi toorray ku dilay, xaafada Calaamadaha ee magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Muha Maxamed Yuusuf, oo ku sugnayd goobta uu dilku ka dhacay, ayaa HOL u sheegtay, in ninku maskaxda ka xanuunsanayay isla markaana uu gabadha isku dayay in uu dilo dhowr jeer oo hore, kadibna uu galinkii danbe ee maanta uu gurigeeda ku jabiyay oo uu ku dhex dilay.

"Maskaxda ayuu ka bukay, dhowr jeer oo hore ayuu isku dayay in uu dilo, maanta duhurkii iyada oo tukaanka kasoo noqotay ayay aragtay, gurigeeda ayay dag dag u gashay albaabka guriga iyo ka qol keeda, ayay soo xidhatay, kadibna gabadh guriga kula jirtay, ayaa albaabka guriga ka furtay, kii qolkeedana wuu ku jabiyay, kadibna toorrayda ayuu halkaa naaska hoosteeda 5 jeer ka galiyay" ayay tidhi Muha.

Muha ayaa sheegtay in Hodan iyo nin keeda la kala furay todobaad kahor kadib markii uu marar kala duwan isku dayay in uu dilo "Inanta wuu qabi jiray oo 5 caruur ah ayay u haysay, midna wuu ka noqday, kii 7aad na caloosha ayay ku siday, markaa dhowr bilood ka hor ayuu maskaxda ka xanuunsaday oo Sabtidii hore ayaa laga furay kadib markii looga baqay in uu dilo".

Wali manaan xaqiijin in ninka dilka gaystay gacanta lagu dhigay iyo in kale, lakin waxa la sheegay in lagu arkay isaga oo ku tukanaya mid kamid ah masaajidada magaalada Hargaysa, kadibna uu si deg deg ah uga baxay xili salaadii casar la tukanayay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online