7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal oo xilkii ka qaaday xoghayihii guddiga doorashada
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii guud ee guddiga doorashooyinka, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan.

Warqad guddoomiyaha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in xoghayaha xilka looga qaaday, kadib markii uu wax kama jiraan ku tilmaamay go’aamo xalay kasoo baxay guddoomiyaha.

Waxaa warqadda lagu sheegay in xoghayuhu uu soo saaray warqaddo kala duwan islamarkaana uu qas ku hayo hannanka doorashada iyo iska horkeenida guddiga dhexdiisa.

Xoghayaha guddiga doorashada ayaa xalay ka horyimid shaacinta liiska barlamaanka, isagoo sheegay inay sharci darro tahay in liiska barlamaanka laga reebo xildhibaan la doortay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in guddiga doorashada heer federal ay saameeyeen culaysyada kaga imaanaya dhinacyada siyaasadeed ee ku loolamaya hoggaanka dalka.

Arrintaan hadda ka dhex taagan guddiga doorashada waxay keeni kartaa in doorashada dib u dhac kale uu ku yimaado.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online