7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadlay sababta Fahad Yaasiin looga reebay liiska barlamaanka
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Yuusuf, ayaa ka hadlay sababta liiska barlamaanka looga reebay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Farmaajo, xildhibaan Fahad Yaasiin Daahir iyo saddex mudane oo kale.

Guddoomiye Muuse Geelle oo la hadlayay laanta BBC Soomaali ah, ayaa sheegay in xildhibaannadan looga reebay liiska la shaaciyay sababa la xiriira habraaca lagu doortay oo ay wax ka qaldanaayeen.

Geesta kale, Muuse Geelle ayaa wuxuu iska fogeeyay in dhinacyo siyaasadeed oo ka sarreeya ay culays ku saareen inuu liiska barlamaanka ka reebo afarta kursi, si cid kale loogusoo beddelo kuraastooda.

“Cidna caddaadis ima saari karto, wixii sax ah oo doorashadaas lagu sixi karo, waa lagu saxayaa. Hadalada ku tiri kuteenka ah waxba uma arko,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Xalay ayay ahayd markii guddiga doorashada ay shaaciyeen liiska xildhibaannada la doortay, kuwaas oo ay kasoo muuqan waayeen magacyada afar xildhibaan oo uu Fahad Yaasiin ku jiro.

Arrintaas waxay keentay in xoghayaha guddiga doorashada iyo xubno kale oo guddiga katirsan ay kasoo horjeesteen in liiska barlamaanka laga reebo xildhibaannadaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online