7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Raysal wasaare Rooble oo soo dhoweeyay shaacinta liiska barlamaanka labadiisa aqal
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, kuwaas oo xalay shaaciyay natiijada doorashada mudaneyaasha labada aqal ee barlamaanka, inkastoo xubno katirsan guddiga doorashada ay ka hor yimaadaan shaacinta liiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka, shaqadii ay soo qabteen.

Rooble wuxuu sheegay in xildhibaannada harsan oo tiro ahaan gaaraya soddon mudane sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhammeystiro.

Wuxuu guddiga doorashooyinka FEIT ku adkeeyay in ay ku taagnaadaan jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Si kastaba ha ahaatee, liiska barlamaanka ee uu xalay shaaciyay guddiga doorashada heer federal waxaa ka maqan xildhibaan Fahad Yaasiin oo lagu doortay magaalada Baladweyne iyo xildhibaanno kale oo lagu doortay Baydhabo.

Guddiga doorashada Hirshabeelle weli kama uusan hadlin arrintan, halka xildhibaanno lagasoo doortay Koonfur ay baraha bushada soo dhigeen qoraalo ay ku cambaareynayaan xildhibaannada laga reebay liiska barlamaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online