7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Shirkada Dahabshiil oo Hargaysa ka furtay maqaaxi casri ah
 

Jimco, April, 1, 2022 (HOL) - Shirkada Dahabshiil ayaa magaalada Hargaysa ka furtay, maqaaxi casri ah oo la magacbaxday Damal Restaurent and Convention hall, taasi oo qayb ka ah hotelada casriga ah ee Damal.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo ka hadlayay xaflada furitaanka maqaaxidan oo qabsoontay maalintii Khamiista, ayaa sheegay in ay mudnaanta siinayaan horumarka iyo shaqo abuurka, isagoo sheegay in ay qorshayaal kale oo horumarineed ka wadaan waddamada kale ee gobolka.

"Dahabshiil ahaan anaga waxaa naga qorshaysan wixii horumar dalka u keeni kara, shaqo abuuri kara, ama ha noqoto Dahab Tower oo aanu dhawaan Muqdisho kaga dhawaaqnay, ama ha noqoto iyo dhismayaal kale oo aanu Jabuuti, Jigjiga waddamo badan oo gobolka ah aanu ka dhisnay" ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in u jeedadoodu ay tahay in ay ka qayb qaataan horumarka dalkasta oo ay ka shaqeeyaan "Marwalba waxaanu doonaynaa dalkaa aanu ka shaqayno in aanu horumar u keeno, quruxdiisa ka qayb qaadano Damal-na taasay maanta kamid tahay".

Mayorka Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa bogaadiyay furitaanka maqaaxidan casriga ah, isagoo sheegay in Hargaysa u baahnayd "In badan ayaan idhi Hargaysa waxay u baahantahay maqaaxiyo qurux badan oo layskugu yimaado, tan waynu furnay, Hargaysa badhtankeeda ayaynu ka furnay, way inagu filantahay".

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isna bogaadiyay dhismaha maqaaxidan, "Dahabshiil Group oo aynu uga baranay in qarankan tan iyo maalintii la bilaabay ay hormood ka yihiin, una huray maal galin faro badan, aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa Maxamed Siciid iyo caruurtiisa".

Hotelka Damal oo ay iska leedahay shirkada Dahabshiil Group, ayaa ah hotel casri ah oo ilaa hada ka jira magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera, waxaana la filaya in mustaqbalka dhow laga furi doono gobolada kale ee Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online