7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
AMISOM oo baaris ku sameynaysa xerada Xalane kadib weerarkii Alshabaab ee todobaadkii hore
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - AMISOM ayaa sheegtay inay baaritaan amni ka bilaabi doonto xerada Xalane, kadib markii dhawaan dagaalamayaal katirsan Alshabaab ay gudaha u galeen xeradaas, iyagoo dilay qandaraaslayaal iyo askar katirsan ciiddanka AMISOM.

AMISOM waxay sheegtay inta baaristan ay socoto in garoonka diyaaradaha Muqdisho loo ogolaan doono kaliye dadka safraya ama dhoofaya.

“AMISOM waxay 1-da abril baaris amni ka sameyn doontaa gudaha saldhiga Xalane, si ammaanka loo hubiyo. Saldhiga wuxuu ahaan doonaa mid si buuxda loo xidhi doono illaa labada Abril,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

Maalmihii lasoo dhaafay xerada Xalane waxaa ka jirtay cabsi tan iyo weerarkii Alshabaab ay ka geysteen, arrintaas oo abuurtay shaki weyn oo ku saabsan sababta Alshabaab ugu suurto gashay inay gudaha u gasho xeradaas ammaankeeda aadka loo ilaaliyo.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa sameeyay guddi baaris ku sameeya cidda Alshabaab u fududaysay dhacdada weerarka Xalane.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online