7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Fahad Yaasiin oo laga waayay liiska xildhibaannada labada aqal ee uu soo bandhigay guddiga doorashooyinka Soomaaliya
 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa soo bandhigay liiska xildhibaannada labada aqal ee lagu kala doortay dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Balse waxaa liiska laga waayay Fahad Yaasiin Daahir oo kamid ah xildhibaannada lagu doortay Baladweyne.

Fahad Yaasiin, kuma jirin liiska xildhibaannada Hirshabeelle ee uu guddiga doorashadu xalay kusoo bandhigay magaalada Muqdisho, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan.

Guddiga doorashada ayaa horey u sheegay inay hakiyeen natiijada doorashada kursiga Fahad Yaasiin, iyagoo u sababeeyay in khilaaf uu ka taagan yahay kursiga loo doortay.

Guddiga doorashada waxay xildhibaannada ku wargaliyeen inay Muqdisho yimaadaan labada Abril si loo siiyo shahaadada xildhibaanimo islamarkaana waajibaadkooda loo dhaariyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online