7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 1 , 2022
Guddoomiye Ku-Xigeenkii Guddiga Doorashada Heer Federal oo isku sharaxay kursi xildhibaannimo

 

Jimco, April, 01, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada FIET, Avv Mowliid Mataan Salaad, ayaa xaqiijiyay inuu isku sharraxay kursiga HOP059 ee deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne. 

Mowliid ayaanay cadeyn ilaa iyo hadda inuu iska casilay xilkii guddoomiye kuxigeennimo ee uu ka hayey guddiga dadban ee doorashooyinka heer federaal, iyadoo ay xusid mudantahay inuu wax ka soo maamulayey kuraasta xildhibaannada lagu soo doortay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar. 

Ma cada waxa uu ka qabo shaciga u yaala Guddiga doorashooyinka inay xubno xilal haya ay u tartami karaan kuraas barlamaan. Mana jirto ilaa iyo hadda inta la ogyahay xubin guddi oo iyagoo xilka haya doorasho barlamaan isku soo sharaxay. 

Musharraxa ayaa HOL u sheegay  in uu go’aansaday inuu u tartamo kursigan kadib markii uu wadatashiyo la yeeshay odoyaasha , waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee beesha kursiga leh. 

Mowliid Mataan ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgelinta doorashada heer federal ee FIET tan iyo markii lagu dhawaaqay guddigaasi dhammaadkii sanadkii 2020.

Waxaa lagu soo warramayaa in xiriirka u dhaxeeyay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Abuukaate Mowliid iyo madaxtooyada Soomaaliya uu sii xumaanayay – tan iyo markii xubnaha guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen guddoomiyihii hore, Maxamed Xasan Cirro dhammaadkii bishii Disember 2021, xilligaas oo xubnaha guddigu ay laba garab u kala jabeen oo kala taageersanaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Abuukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa xilligaas shir guddoomiyay garabkii xil ka qaadista ku sameeyay guddoomiyihii guddiga oo haystay taageerada Villa Soomaaliya – kaas oo markii dambe lagu beddelay guddoomiyaha haatan xilka haya Muuse Geelle Yuusuf.

Kursiga HOP059 ayaa noqonaya mid ka mid ah kuraastii ugu dambeysay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, oo lagu wado in la dhaariyo xubnihiisa 14 bishan Abriil.

Hiiraan Online News Desk