4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa Sakawaadka oo isku dhiibay ciiddanka milatariga Soomaaliya
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxii Sakawaadka Alshabaab ee Deegaanka Dadaarow ee Gobolka Baay Maxamed Nur Maxamed Xuseen oo Magaciisa Afgarashadu yahay (Guudow) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 60aad.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga idaacadda ku hadasha afka ciiddamada milatariga, ayaa lagu sheegay in sarkaalkaan uu Alshabaab katirsanaa muddo 7-sano ah.

Sida uu ku sheegay wareysi laga qaaday, wuxuu tilmaamay inuu uga soo tagay Kooxda Alshabab, Cadaalad darrada, dhibaatada iyo boobka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii ciiddanka xooggu ay soo bandhigeen madaxii  Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Ciiddamada Dowlada Federaalka.

Cali Ibraahim oo muddo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online