4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Madaxweynaha Uganda oo ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka digay inay suuragal tahay inuu go’aansado inuu Ciiddanka Uganda ka soo saaro Soomaaliya, sababo la xiriira is-maandhaafka Siyaasadeed ee ka jira dalkaasi.

Madaxweyne Museveni oo wareysi siiyay TV -ga France24 ayaa sheegay inuu ka daalay oo uu ka xun yahay muranka siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka jira Muqdisho.

Museveni wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hareereeyeen is-qabqabsi siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaaliya madaxdeeda, taasoo uu ku tilmaamay wuxuu ugu yeeray "AIDS -ka siyaasadeed".

“Arrinta Soomaaliya waa halka aysan ciidammada gudaha ka soo bixin si ay u gutaan waajibaadkooda. Haddii ay sidaas yeeli lahaayeen, xaaladda waa la xallin lahaa waqti hore,” ayuu yiri Museveni.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waana dalkii ugu horeeyay ee ciidamo AMISOM  ah geeya Soomaaliya sannadkii 2007.

Dhawaan, Uganda waxay shaacisay in ay Soomaaliya usoo dirayso ku dhawaad 2,000 askari oo ku biiraya ciidamada AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online