3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Somaliland oo kumannaan urur oo maxali ah ruqsadii shaqada kala noqotay
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii ka joojisay, isla markaana aqoonsigii kala noqotay 2372 urur oo ka howlgali jiray gudaha Somaliland, sababta shaqo joojinta ayay xukuumadu ku sababaysay in anay ahayn ururo shaqeeya oo  tayo leh.

Agaasimaha wasaarada qorshaynta Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo warbaahinta u akhriyay go'aanka ururadan ruqsada loogala laabtay oo wasaaradiisu kasoo shaqaysay, ayaa tilmaamay in ururadaasi anay maanta laga bilaabo ahayn ururo jira oo ay xukuumada Somaliland aqoonsantahay.

"Ururada u diwaan gashana qaranka Somaliland ee maxaliga ahaa waxay ahaayeen  3000 oo urur, oo 200 ka dhimanyihiin, markii sharciyadooda dib loogu noqday waxa soo baxay in 2372 urur anay sharciyad ay ku shaqeeyaan  haysanin, sida darteed anaga oo ticraacayna shuruucda aanu ku shaqayno, waxaanu sheegayna in ururadaasi anay ahayn ururo jira" ayuu yidhi agaasimuhu.

"Waxa kale oo aan raacinaynaa in 236 urur ay noqdeen ururada sharciga ah, ee maanta wasaaradu ay aqoonsantahay, ee shaqeeya ee sharciyad haysta, ee wasaarada ku xidhan, sidaa darteed, halka waxa ka muuqda in 10% ay yihiin waxa shaqeeya, 90% ay yihiin magac uyaal" ayuu hadalkiisa ku daray agaasimuhu.

Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumadu dabagal joogta ah ku hayn doonto shaqada iyo tayada 236 urur ee hadhay, si loo hubiyo in ay qabanayaan shaqadii looga baahna, isla markaana ay leeyihiin shaqaale iyo dhaqaale ku filan.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/8/2021 4:36 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

9/8/2021 3:01 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga xukuumadiisa Xasan Xundubay Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mucaaradka katirsanaa.

9/8/2021 2:21 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Bilaal, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waydiiyay sababta keentay in uu erayga "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ku dhex isticmaalo qoraal uu shalay soo dhigay bogiisa.

9/8/2021 2:10 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qabatay dacwad ka dhan ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii hore C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

9/8/2021 11:25 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaashi Duqa ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in duulaan lagu yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya.

9/8/2021 11:03 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ku saabsan horumarinta ganacsiga, Dekedda Berbera iyo kastamada la yeeshay masuuliyiin Ka Kala Socday Shirkadda TMEA, Xafiiska Horumarinta Mashaariicaha Uk Iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

9/8/2021 8:19 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland laanta socdaalka ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo u dhashay dalka Nigeria iyo nin sheegay in uu yahay Soomaali-Tansaaniyan, oo ciidanku sheegay in ay ku howlanaayeen samaynta lacago been abuur ah.

9/8/2021 7:49 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah usoo soo saaray Liiska Musharixiinta ku tartamaya 8 kursi ee Hirshabeelle ku leedahay barlamaanka Aqalka Sare.

9/8/2021 5:45 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee NISA, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey).

9/8/2021 5:22 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Camaara uu fuliyay muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya.

9/8/2021 2:32 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay magacaabis iyo xilka qaadis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo.

9/8/2021 1:09 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah magacaabis iyo xilka qaadis uu xalay sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.