4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo si kulul uga hadlay magacaabis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay magacaabis iyo xilka qaadis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka horyimid talaabada uu madaxweyne Farmaajo uu xilka cusub ugu magacaabay taliyahii hore ee hay'adda NISA Fahad Yaasiin, kaasoo uu dhawaan xilkii hay'adda Nabadsugida uu ka qaaday Raysal wasaare Rooble

War qoraal ah oo kasoo baxay Musharaxiinta ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabada uu Farmaajo ugu magacaabay xilka cusub Fahad Yaasiin oo ay sheegeen iney tahay mid baal marsan sharciga, laguna carqaladeynayo howlaha doorashooyinka dalka.

” Goluhu waxa uu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in ay ogaadaan in go’aannadaas ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu khalkhal galiyo xasiloonida iyo ammaanka aan caga badan ku taagneyn ee dalka, saraakiisha ciidanka waxaan ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin go’aannada Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ee sharciga baalmarsan" ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Warkan kasoo baxay golaha Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili qoraalo kala duwan ay xalay kasoo baxeen labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo muujinaayay sii xoogeysiga khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]