11/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 8 , 2021
Raysal wasaare Rooble oo si adag uga jawaabay magacaabis iyo xilka qaadis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah magacaabis iyo xilka qaadis uu xalay sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War saxafadeedka xalay galinkii dambe kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa marka hore waxaa lagu soo dhaweeyay aqbalaada uu madaxweyne Farmaajo aqbalay shaqo ka joojintii lagu sameeyay taliyahii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Raysal wasaaraha ayaa faray Agaasimaha guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, islamarkaana ku amray Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka inay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac.

"Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay  talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas."ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa markale faray Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iney dardar geliyaan howlaha baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax si deg deg ahna loo horgeeyo Maxkamada awooda u leh qabashada kiiska Ikraan.

"Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta  Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd  Ikraam Tahliil Faarax" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Gabagabadii War saxafadeedka Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Rooble oo ku hadlaya magaca golaha wadatashiga Qaranka inuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinaayo dardar gelinta howlaha doorashooyinka dalka oo meel wanaagsan maraayo, isagoona ku baaqay in loo midoobo sidii nabadgalyo loogu dhameystiri lahaa arrimaha doorashooyinka oo looga samata bixi lahaa wax walba oo caqabad keeni kara.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/8/2021 4:36 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

9/8/2021 3:01 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga xukuumadiisa Xasan Xundubay Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mucaaradka katirsanaa.

9/8/2021 2:21 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Bilaal, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waydiiyay sababta keentay in uu erayga "dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya" ku dhex isticmaalo qoraal uu shalay soo dhigay bogiisa.

9/8/2021 2:10 PM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa qabatay dacwad ka dhan ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii hore C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

9/8/2021 11:25 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaashi Duqa ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in duulaan lagu yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya.

9/8/2021 11:03 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ku saabsan horumarinta ganacsiga, Dekedda Berbera iyo kastamada la yeeshay masuuliyiin Ka Kala Socday Shirkadda TMEA, Xafiiska Horumarinta Mashaariicaha Uk Iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

9/8/2021 8:19 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland laanta socdaalka ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo u dhashay dalka Nigeria iyo nin sheegay in uu yahay Soomaali-Tansaaniyan, oo ciidanku sheegay in ay ku howlanaayeen samaynta lacago been abuur ah.

9/8/2021 7:49 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa si rasmi ah usoo soo saaray Liiska Musharixiinta ku tartamaya 8 kursi ee Hirshabeelle ku leedahay barlamaanka Aqalka Sare.

9/8/2021 7:08 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii ka joojisay, isla markaana aqoonsigii kala noqotay 2372 urur oo ka howlgali jiray gudaha Somaliland, sababta shaqo joojinta ayay xukuumadu ku sababaysay in anay ahayn ururo shaqeeya oo tayo leh.

9/8/2021 5:45 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee NISA, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey).

9/8/2021 5:22 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Camaara uu fuliyay muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya.

9/8/2021 2:32 AM EST
Arbaco, September, 8, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay magacaabis iyo xilka qaadis uu sameeyay madaxweyne Farmaajo.