4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Raysal wasaare Rooble "Waxaan Diyaar u ahay in Halaqa, Dhurwaayada iyo Dawacooyinka geesaha taag taagan aan idinka celiyo"
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo qabashada doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii ka dhex taagnaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi.

Rooble ayaa ka dalbaday siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi iney u diyaar garoobaan doorashada ayna soo diyaariyaan jadwalka doorashada, islamar ahaantaana cafis weydiistay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Xildhibaanada labada Aqal ee gobolada Waqooyi kasoo jeeda.

"Sharaf ayay ii ahayd in aan maanta ka qeyb galo munaasabadda iscafinta iyo xoojinta is-afgaradkii laga gaaray khilaafkii walaaleheenna gobollada woqooyi ee arrimaha doorashooyinka. Waxaan diyaar u ahay in aan gacan ku siiyo sidii ay u qabsan lahaayeen doorashooyin ay xor u yihiin, ka maran faragelin, aanna ka hor wareejinno wax kastoo caqabad ah. Waxaan rajeynayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabato doorashada xildhibaannada ka soo jeeda gobollada woqooyi.oo ugu soo horreeyaan mudaneyaasha Somaliland ku matalaya Aqalka Sare" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Waxuu intaasi ku daray Raysal wasaare Rooble ineysan jirin cid ku takrifali karta awooda shacabka Somaliyeed, wax walbana horay looga soconaayo.

"Waxaan Diyaar u ahay in Halaqa, Dhurwaayada iyo Dawacooyinka geesaha taag taagan aan idinka celiyo" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu ka qeyb galay oo ay isku cafinayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib heshiiskii wadajirka ahaa ay gaareen Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]