4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Beesha Caalamka oo ka hadashay khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay hay'adda NISA sheegtay iney dileen Al-shabaab, iyadoona Shabaab ay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil.

Beesha Caalamka ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin murunka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo madaxda dowladda ka dhex abuuray khilaaf siyaasadeed xoogan oo ay sheegen inuu saameyn ku yeelan karo hanaanka doorashada dalka

“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri war qoraalka ee kasoo baxay Beesha Calaamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in kiiska Ikraan Tahliil uu u baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan lagu kalsoonaan karo, iyagoona ku baaqay in deg deg loo xaliyo khilaafka ka dhashay arinta Ikraan Tahliil Faarax.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]