4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Ciidamo ka Tirsan Militariga Soomaaliya oo ku baxay dagaalada ka socda Kabxanleey iyo shacab ku banaanbaxay
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay u dhaqaaqeen deegaanka Kabxanleey oo ay ku dagaalamayaan laba Maleehiyo beeleed.

Ciidamada ku baxay dagaal beeleedka kasocda deegaanka Kabxanleey ayaa mudo dhowr saacadood ah waxaa magaalada bartamaheeda banaanbaxyo xoogan kala hortagay boqolaal shacab ah oo diidana ciidamadan iney aadaan dhanka deegaanka Kabxanleey.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan aysan u jeedkoodu aheyn iney istaajiyaan dagaalka, maadama ku dhawaad 10 maalmood Maleeshiyaadka dagaalamaya ay isku hor fadhiyen deegaanka Kabxanleey ciidamadana xiligaasi aysan sameynin wax talaabo ah oo ay uga hortagayaan inuu dhaco dagaalka haatan socda.

Deegaanka Kabxanleey oo 35 KM dhinaca Waqooyi Baledweyne kaga beegan waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka jiray dagaalo toos ah oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka laba beelood waxaaana inta la xaqiijiyay dagaaladaasi ku dhintay in ka badan 10 ruux oo labada dhinac ah.

Khasaaraha dhimashada marka laga soo tago waxaa jira in xalay deegaanka Kabxanleey lagu gubay guryo iyo beero aad u fara badan, inkastoo ay maanta xaaladu aheyd mid dagan oo aanan wax dagaal ah ka dhicin deegaanka kabxanleey.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]