4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 7 , 2021
Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Talaado, September, 7, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu shil gaari oo khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay uu ka dhacay inta u dhaxeysa wadada dheer ee xiriirisa Baledweyne iyo Maxaas.

Inta la xaqiijiyay sadax ruux ayaa ku dhimatay shilka gaari waxaana ku dhawaacmay ku dhawaad 5 ruux sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu ka dhacay shilka baabuur.

Qaar ka mid ah dadka kusoo dhaawacmay shilka baabuur ayaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Baledweyne, waxaana la sheegaya iney ku jiraan qaar dhaawacyadoodu halis yihiin.

Shilalka baabuurta ee dhaca ayaa inta badan yimaada wadayaasha gaadiidka oo aanan si farsameysan u xakameynin gaadiidka iyo burburka lixaadka leh ee ka jira wadooyinka ay isticmaalaan gaadiidleyda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]