3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2021
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka horyimid shaqo joojinta lagu sameeyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin
 

Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid go'aankii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shaqo joojinta ugu sameeyay taliyahii hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Farmaajo oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay qodobo dhowr ah oo ka mid ah Dastuurka dalka oo la xariira shaqo joojinta Rooble uu ku sameeyay Fahad Yaasiin.

" Madaxweynaha Jamhuuriyadda markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah; Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida; Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah afar qodob oo oo lagu tilmaamayo shaqada Raysal wasaare Rooble iyo inuu baalmaray Dastuurka dalka.

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3.  Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Hadalkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya, kadib markuu shaqo joojin ku sameeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya taliyahii hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/6/2021 2:12 PM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya Caawa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Bambaano lagu weeraray Salaadii Ceshaha kadib barkoontarool oo ku taala Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

9/6/2021 2:07 PM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Sh. Cabdirisaaq Sh. Xuseen (Albani) oo madaxweynaha Somaliland uu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa warbaahinta ku eedeeyay in ay caayaan madaxda xilalka haysa, oo ay gar iyo gardaraba eedeeyaan.

9/6/2021 11:47 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiska kula kulmay agaasimaha cusub oo uu u magacaabay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

9/6/2021 9:48 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.

9/6/2021 7:56 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday saddex wiil oo dhallinyaro ah oo lagu helay dambi ah in ay kufsi wadareed u geysteen wiil 13 jir ah.

9/6/2021 6:02 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen waxay kusoo dhoweeyeen go’aanka uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay taliyaha hay'adda nabad sugida NISA ee Fahad Yaasiin.

9/6/2021 5:19 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa soo dhoweysay tallaabadii uu raysal wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay taliyihii hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu ka horyimid.

9/6/2021 5:03 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw dib xoriyadooda u helay oo lasii daayay sadax dhalinyaro ah oo mudo sadax maalin ah ku afduubna Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne, kuwaas oo u xirnaa dilka Ikraan Tahliil Faarax.

9/6/2021 1:38 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa taageeray go'ankii Raysal wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameeyay taliyahii hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

9/6/2021 1:08 AM EST
Isniin, September, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka howlaha guud ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa xogeeyaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani ku eedeyay in uu u dhaqmayo sidii madax dhaqmeedka, kadib markii xogeeyuhu uu isku shaandhayntii madaxweynaha ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigtay qoys.